U bood dhigaalka

Erdoğan oo ka digay siyaasadaha daandaansiga ah ee reer galbeedka

Sheeko:Dalka

Recep Tayyip Erdoğan madaxweynaha dalka Turkiga , ayaa sheegay in aan aysan waxba soo kordhinaynin siyaasadaha daandaansiga ah ee dalalka reer galbeedka ay ku wajahayaan Ruushka, markii markii dalalka midawga yurub iyo G7 ay ku dhawaaqeen in la dhimo qiimaha gaska Moscow.

Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Belgrade, xilli uu garab taagna madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.

“Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha turkiga ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedka ay hoggaaminayaan siyaasad daandaansi ah, ayna ka dhalan karto natiijo xun.

“Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siyaasad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo halkaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhankiisa ku gooddiyay in uu joojin doono dhammaan gaska uu siiyo midawga yurub, haddii ay talaabadaasi dhab noqoto.

Putin ayaa haddii uu ka dhabeeyo amarkiisa waxaa yaraan doona shidaalka ay helaan dalalka midawga yurub, taas oo noqoneysa caqabad soo foodsaarta dalal badan oo barwaaaqo sooran ah.

Goobjoog News