U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Balcad

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa jidka u galay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidanka dowladda, kaasi oo ka  baxay degmada Balcad, kuna wajahnaa magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo Labo kalena nolo iyo dhimasho lagu la yahay, sidey xaqiijiyeen saraakiisha dowladda ee Sh/dhexe.

Al-shabaab ayaa la sheegay in qoriga baasuukaha loo yaqaan ay ku dhufteen gaarigan, waxaana jira burbur xooggan oo gaariga soo gaaray.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ayaa si gurmad ahaan ku aaday halka weerarkaan uu ka dhacay, iyadoo dagaalyahannadii Al-shabaab la sheegay in meeshaasi isaga baxeen.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo maamulka gobolka Sh/dhexe iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolkaasi ka bixiyeen weerarkaan.

Goobjoog News