U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga waxay ka billaabeen deegaannada u dhaxeeya magaalada B/weyne iyo degmada Maxaas.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, waxaana ay tageen deegaanno badan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in inta ay ciidamada dowladda Howlgalkaan wadeen ay dagaallo kala kulmeen Al-shabaab, balse wax khasaare ah lama soo sheegin.

Guddoomiyaha Hiiraan, Cali Jeyte ayaa sheegay in ulajeedka howlgalladan yihiin sidii loo furi lahaa waddooyinka u xiran Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah, iyadoo marar badan ay ciidamadan sidan oo kale howlgallo u sameeyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News