U bood dhigaalka

Faah faahin: Ciidamo Hoygiisa Kala Baxay Wariye Ka Tirsan Radio Wanlaweyn

Sheeko:Dalka

Askar la sheegay in loo maleynayo iney ka tirsan yihiin ciidanka dowladda  federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoygiisa xilli dambe oo xalay ah kala baxeen wariye Ismaaciil Yuusuf oo ka howlgalayey Radio Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka deegaanka Ballidoogle, waxaana ay indhaha ka xireen wariyaha, iyaga oo saartay gaari ay wateen.

Ehlada wariyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay si gaar ah wariyaha u bartilmaameesanayeen, iyadoo aan la ogaan sababta rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeyso.

Ismaaciil Mire oo ah agaasimaha Radio Wanlaweyn ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan loo soo sheegin halka wariyaha lagu xiray iyo waxa loo heysto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News