U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Hiiraan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maqribkii caawa uu dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo beel uu ka dhacay deegaanka Baanyaaley oo ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, kana soo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa dagaal saacado qaatey ku dhexmaray halkaasi, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ugu yaraan Hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 10, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Dadka dhaawaca ah ayaa caawa loo kala qaaday degmooyinka Guriceel iyo Maxaas, iyadoo weli xaladda halkii lagu dagaallamay tahay mid kacsan.

Wararku waxay sheegayaan in beelahan ay ku dagaallameen dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla, maadaama dhowaan uu roob ka da’ay deegaanka lagu dagaallamay.

Beelahan dagaallamay ayaa horey sidan oo kale horraantii sanadkan ugu dagaallamay isla deegaankan, walow ay kala dhexgaleen dhinacyadan waxgaradkooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News