U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Fuliyey Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in ay leedahay dowladda Maraykanka ayaa xalay saq dhexe waxay duqeyn ka fuliyeen deegaanno kaabiga ku haya degmada Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeyntan ayaa la sheegay in daqiiqado ay socotay, waxayna diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen dhul u badan Beero oo halkaasi ku yaalla.

Waxaa jirta waxyeello ka dhalatay duqeyntan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in shacabna ay waxyeello soo gaartay.

Diyaaradahan ayaa la shegay in ay duqeynayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo goobta ku sugnaa, balse khasaaraha guud lama hayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News