U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado duqen oo habeenkii xalay ahaa illaa shalay duqeyn ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeeyay degaannada kala ah Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo.

Saraakiisha degmada Garbahaareey oo ay la xiriirtay Goobjoog waa ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyeen duqeynta dhacday waxaase degaannada ay la duqeeyay ay ahaayeen kuwa aan gacantooda ku jirin.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka geysta gobolka Gedo waxaana duqeymaha mararka qaar ay diyaaraduhu u geystaan dad shacab ah.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News