U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya qarax ismiidaamin ah oo gabal dhacii maanta ka dhacay maqaayad ku talla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo, taasi oo ku dhow Afar Irdoodka magaaladaasi, waxaana halkaa ku sugnaa dad shacab ah.

Inta la hubo Seddex qof oo uu ku jiro is qarxiyaha ayaa halkaasi ku geeriyoodey, iyadoo dhaawaca uu intasi ka badan yahay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada K/glabeed iyo sidoo kale gadiidka gurmadka degdegga ah, kuwaasi oo halkaa ka qaaday dadkii dhaawaca ahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Gen, Mahad C/raxmaan Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay qaraxan, wuxuuna sheegay iney hadda wadaan howlgallo.

Xaaladda mgaalada Baydhabo ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana magaalada oo dhan lagu arkaya ciidamo badan oo ammaanka xaqiijinaya.

Goobjoog News