U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Ku Tagay Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.

Intaasi ka dib ayaa waxaa loo soo galbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh dhanka madaxtooyada Jubba, iyadoo sidoo kale uu halkaasi kula kulmay wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya iyo Itoobiya oo iyaguna maanta halkaasi soo gaaray.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta guud ahaan ah mid ay adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana wado walba lagu arkayaa ciidanka Booliiska iyo kuwa Milatariga.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirada ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya ay ku tageen magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xilli Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ay sheegeen in aan loo dhameyn baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan gudoonka Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka cusub ee Jubbaland, iyaga oo sheegay in baarlamaankaasi aysan u dhameyn shacabka degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada:-

s21 s18 s17 s16 s15 s2 s1 s12 s11 s10 s9 s8 s7 s6 s5 s4 s3

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada