U bood dhigaalka

Faah Faahin: Socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre Ee Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Axad ah la filayaa inuu tago magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Waxaa Garoowe guud ahaan laga dareemayaa diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha, iyadoo ammaanka guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyey.

Waxa uu Kheyre sidoo kale booqan doonaa inta uu ku sugan yahay Puntland, magaalooyin ka tirsan magaaladaasi.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgali doono munaasabad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la’ aas aasay maamulka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News