U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Wafdi Ka Socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Gaaray Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka magaaladaasi.

Wafdigaan oo shalay tagay Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayay agaasimaha waaxda dib u heshiisiinta wasaaradda arimaha gudaha Daahir Warsame Fiidow, waxaana xubnaha wafdiga ka mid ahaa xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Uljeedka wafdigaan ayaa ah in ay la socdaan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Baladweyne, waxaana Odayaasha ku shirsan magaaladaasi la hadlay agaasimaha waaxda dib u heshiisiinta ee wasaaradda arimaha gudaha, isaga oo sheegay in meel walba oo shir sidaan oo kale ah uu ka socdo uu waajib ka saaran yahay in ay tagaan.

“Hadaan wasaaradda arimaha gudaha nahay waa in aan dhex istaagno shirarka sidaan oo kale ah, kuwii dhacay waan dhex galnay, kuwa hadda socdana sidaas oo kale, waa muhiim in dadku ay heshiiyaan, inaga oo rajo ka qabna in shirkaan uu mira dhalo” ayuu yiri Mr Fiidow

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconayo shir dib u heshiisiin ah, kaasi ay ku shirsan yihiin Odayaasha dhaqanka beelaha degan gobalkaasi.

Goobjoog News