U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, maalintii shalay ahayd  kuwaasi oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaanadaan waxaa hogaaminayay Abuukaate Daahir Xasan Cabdi, waxaana tiradooda ay gaaraysaa 6, iyadoo xusid ay mudan tahay in xubnaha halkaasi tagay uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.

Uljeedka xildhibaanadaan ay halkaasi u tageen ayaa ah sidii ay ula socon lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Baladweyne, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan.

Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi oo hadal ka jeediyay halka uu ka socdo shirkaasi ayaa sheegay in xildhibaano badan oo reer Hiiraan ah ku wajahan yihiin Baladweyne, islamarkaana ay dowladda taageertay shirkaasi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay mudadii koobneyd ee shirkaan uu socday in ay ku heshiiyeen beelo halkaasi wada degan.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay ka qeybgalayaan beelaha wada degan gobalkaasi.

Goobjoog News