U bood dhigaalka

Faah-faahinno ka soo baxayo Dad shacab ah oo lagu dilay Dowlad Deegaanka

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu boolis rasaas ay fureen ay u dhinteen dad shacab ah.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, waxaana ay timid kadib markii dadka shacabka ah ay ka gadoodeen ceel biyood ay dowladda ka dhisayay deegaanka.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay rasaasta ay ciidamada fureen, waxaana ciidamada lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen dilka dadkaas.

Goobjoog News