U bood dhigaalka

Faah-faahinno ka soo baxayo dil ka dhacay gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo degmada Bursaalax ee gobalka Mudug,  ayaa sheegaya in xalay nin hubaysan uu dil u gaystay laba qof oo ku sugnaa degmada.

Dilkaan ayaa loo gaystay laba qof kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Afdheere, kaas oo horay u soo noqday Guddoomiyihii degmada Bursaalax iyo Mukhtaar Maxamed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka labadaas nin, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu salka ku haayo aanooyin dhinaca qabiilka ah.

Laammaaha ammaanka Puntland ayaa baaritaanno ay sameeyeen dilka kadib, la sheegay in ay ku guulaysteen in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha ka dambeeyay falkaan.

Goobjoog News