U bood dhigaalka

Faarax Macallin: Maalqabeennada Soomaaliya Waxay Ka Wareegeen Kenya

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa sheegay in ay soo baxday digniin sanad kahor uu kasoo saaray siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, kuna aadan in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida u wareegeen hadda dalalka Itoobiya iyo Turkiga oo uu tilmaamay iney u weeciyeen dhaqaalahooda.

150,000 qoys oo Soomaali ah ayuu sheegay in deganaansho rasmi ah ka heleen dalka Turkiga, sidoo kalena ay iibsadeen guryo.

Faarax Macalin ayaa sheegay in ganacsatada iyo maalqabeenka Soomaalida ka wareegeen Kenya una wareegeen Itoobiya.

Dhaqaalihii Kenya ka heli jirtay Soomaalida ayuu sheegay in hoos u dhac weyn ku yimid, sababtuna ay tahay siyaasad xumid arrimaha dibadda ee dalkaas.

Kenya ayaa hadda dareemeysa culeyso dhaqaale, waxaana si aad ah hoos u dhacay maalgashigii ay Soomaalida ku sameyn jireen dalkaasi, iyaga oo u weecday Itoobiya iyo Turkiga.

Goobjoog News