U bood dhigaalka

Faarax Sh. Cabduqadir : Laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarasshadu wax qarash ah aanay ka qaadeynin Shahaadada Ardeyda dugsiga Sare

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladd federaalka ah Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqadir, ayaa sheegay in wasaaradda ay joojisay lacagihii ay ka qaadi jirtay ardayda soo dalbaneyso shahaadada.

Faarax ayaa sheegay in aysan hadda kadib wasaaradda waxbarashada aysan wax lacag ah ka qaadi doonin ardayda dooneysa shahaadada dugsiga sare ee dalka.

“Maadaama Shahaadada iyo Imtaxaanka ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, in laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarasshadu wax qarash ah aanay ka qaadeynin Shahaadada Ardeyda dugsiga Sare” sida uu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto lacag shan dolar ah oo ay wasaaradda maaliyadda ka qaadeyso ardayda.

“Waxaa jirta lacag ay qaadi jirtay Wasaaradda Maaliyadda, sideeda ayee u qaadaysaa; waxa aan ogahay in markii hore ahayd $5 (Shan dollar), taas uun baa laga qaadayaa, laakiin Wasaaradda Waxbarashada wax lacag ah oo ay ka qaadeyso Shahaadada Dugsiga Sare haba yaraatee ma jirto”  sida uu yiri Wasiir Faarax.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xilli ay socoto bixinta shahaadooyinka dugsiga sare ee dalka, kadib markii ay dowladda ku dhawaaqday natiijada imtixaanka.