U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe Oo Kahor Yimid Hadal Ra’iisul Wasaare Kheyre Ka Sheegay QM

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku dhaliilay hadal kamid ahaa khudbaddii uu dhowaan ka jeediyey xarunta golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Waraabe ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku qaldanaa in beesha caalamka ugu baaqo ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaheeda, wuxuuna sheegay in Somaliland aanay warkaasi la qabin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu  Wareebe ugu yeeray beesha caalamka in aanay dhageysan hadalka Ra’iisul wasaaraha, Somaliland-na ay tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku boorinayey UN-ta iney ilaaliyaan midnimada Soomaaliya iyo xuduudaheeda, waxaan u sheegeynaa adduunka in xuduudaha uu sheegayo ay tahay Somalian Italian” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Ugu Dambeyn, injineer Faysal Cali Wareebe ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland iney midoobaan, khaatka iska daayaan, una soo jeestaan waxqabad.

Goobjoog News