U bood dhigaalka

Faysal Cali: Waa ineynu Ogaannaa Cidda Madax Ka Noqoneysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Murashaxa xisbiga mucaaradka ee Ucid oo ka qeybgalay xaflad lagu daahfurayay wakaalad cusub oo loo sameeyay qurba joogga Somaliland o “Somaliland Diaspora Agency” ayaa ka hadlay qaddiyadda goonni isutaagga Somaliland oo dib loogu soo celiyay Soomaaliya, wakhtiga wadahadalka Somaliya iyo Somalialnd, iyo madaxda la filayo iney madaxtooyada Soomaaliya ku fariistaan.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu horreyn ka hadlay dhaliillo uu usoo jeedinayo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhanka gurmadka abaaraha oo uu sheegay iney wax u wadaan sidii la doonayay si ka duwan.

Faysal oo hadalkiisu dhinacyo dabadan taabanayay ayaa ka hadlay qadiyadda Somaliland iyo in dib loogu soo celiyay Soomaaliya wax kastaana uu ku xiran yahay wadahadalka labada dhinac ee bisha May, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Qadiyaddeenna waxaa lagu yidhi waa qadiyad Soomaaliyeed, Soomaali ayaa lagu soo celiyay, Soomaaliya ayaa la yiri wadahadla, bisha May waxaa la yiri ha la isku yimaaddo, bisha May maxaan u baahannay?, horta waa ineynu national plan-kii sameynaa wixii la bixinayay weelkii aanu ku dooneynay waa ineynu sameynnaa oo xoogga saarnaa in February national plan-kii sameynno”.

Waxa uu madaxda Somaliland ku canaantay iney ka gaabiyeen saameynta doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo uu yiri waxay ahayd ineynu kaalin firfircoon ka qaadanno oo aan ogaanno cidda soo baxaysa:

“Dowlad baa halkan Soomaaliya ka soo socota, intaas oo musharrax baa jira dowladaa jira kala wata, raggaa meesha ordaya qaar khatar bay nagu yihiin, qaar wali manaqaanno oo hadda ayay soo galayaan, dowladaha kala wata qaarbaynu jaar nahay, qaarbaynu saabxiib la nahay, ragga ay wadaan hadday khatarta inagu hayaan waa ineynu nidhaahnaa ka daa niman kaasi khadar bay nagu hayaan saaxiib baynu nahay Waa Ineynu Ogaannaa Yaa Imanaya!, waxaan ogahay isriixriixa aynu galinnay dhexdeenna haddaynu 26-kaa sanno gelin lahayn ineynu dalkeenna ictiraaf u doonno inagoo midaysan ineynu ka biyo keeni lahayn, laakiin waxaa ka awood weynaatay qasdigeennii weynaa ee ictiraafka ficiltan dhexdeenna ayaa ka awood roonaaday, haddii hoggaamiyeyaashu kaa noqdaan kuwo dano gaar ah un ka fekera dalku wuu ragaadaa”.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in dalku uu yeesho madaxweyne , kaas oo ay si wadajir ah u soo dooran doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isla maantaba ka shiraya diyaarinta guddiga doorashada madaxweynaha.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada