U bood dhigaalka

Fulinta GOS Oo Ceyriyay Guddoomiyihii Xiriirka Cabdiqani Saciid Carab

Sheeko:Cayaaraha

Kulan ay magaalada muqdisho isugu yimaadeen dhamaan golaha fulinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa shaqadii looga joojiyay guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

Kulanka oo yimid kadib markii golaha loo soo gudbiyay cabashooyin iyo eedo la xiriira ku tagri fal awoodeed ayaa lagu go’aamiyay in shaqada laga joojiyo Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kale loogu yeero milkiilaha xiriirka.

Awood sheegasho, Jebinta xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Dib u eegista Qodobo kamid ah Xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka, Mashaariic FIFA ay bixisay oo aan dhammaan & Faragelinta Hay’adaha kala madaxbannaan ee xiriirka ayeey sheegeen golaha fulinta in lagu soo eedeyay Carab.

Xoghayaha xariirka kubadda cagta Soomaaliyeed Yuusuf Muxidiin Axmed oo kulanka markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha uu go’aan saday shaqa ka joojinta Carab.

“Xubnaha Guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa soo jeediyay in shaqada laga joojiyo Cabdiqani Siciid Carab kaddib markii uu ku dhaqaaqay isticmaalka awood carqadaneysa howlaha shaqada ee xiriirka, faragelinta arrimaha Maamulka” ayuu yiri Yuusuf.

Xoghayaha ayaa sidoo kale Cabdiqani Saciid ku eedeyay in uu hor istaagay dib u eegis lagu sameynayay dastuurka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

“Waxa uu Cabqani hor istaagay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Xiriirka Kubadda Cagta oo soo bilaabatay 26kii October 2021 oo ay horay uga wadahadleen Xiriirka & Hay’adda FIFA” ayuu yiri Yuusuf.

Guddiga fulinta ayaa sidoo kale guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta si kumeel gaar ah tan iyo Marso 2022 u magacabaay guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino.

Cabdiqani Saciid Carab ayaa soddonki sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliya isagoo laba jeer noqday guddoomiyaha xiriiirka kubadda cagta.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada