Gaabis Ku Yimid Gurmadka Abaaraha Ee Galmudug

Guddiga abaaraha ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inuu jiro gaabis ku yimid xagga gargaarka ah ee dadku abaarta ku hayso deegaannada uu maaamulkaasi ka arrimiyo.

Afhayeenka guddigan Maxamed Nuur Diini oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in qarashkii ay ka heleen guddiga gurmadka abaaaraha ee heer Qaran ayaa sheegay in lacagihii oo go’ay ay sababtay inaaney sii socon gurmadkii ay wadeen.

Wuxuu tilmaamay afhayeenka in 150 kun oo doolar oo lasoo gaarsiiyey aysan waxbo tarin marka loo eego baaxadda abaarta iyo saameynta ay reebtay.

Diini ayaa sheegay in guddiga gaurmadka abaaraha ee Qaran ay hadda ka sugayaan qarashaad kale iyo sidoo kale mucaawinooyin si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, deegaannada qaarna waxaa jirta dad u geeriyoodey abaarta.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW