U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Ciidanka Ammaanka Galmudug Oo Howlgal Dad Lagu Qabqabtay Sameeyey

Sheeko:Dalka

Howlgalkani oo lagu sheegay in lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta halkaas ka sameeyay ciidanka ammaanka Galmudug.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa ku warramaya in howlgalkani ciidanka booliska Galmudug ay ka fuliyeen afarta xaafad ee ay ka kooban tahay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Galmudug ayaa intii uu socday waxay ku soo qabqabteen dad lala xiriirinayo inay qeyb ka yihiin falalka ammaan darro ee mararka qaar ka dhaca Gaalkacyo.

Waxaa la arkayay ciidamada oo xaafadaha magaalada Gaalkacyo gudaha u galayay kadibna baaritaanno ka sameynayay iyagoo qabqabanayay dadkii ay ka shakiyaan.

Saraakiisha horkacaysay howlgalka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ammaanka afarta xaafad ee magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda ka kooban tahay ay doonayaan inay xaqiijiyaan.

Ciidamada ayaa dadka ay xirxireen doonaya inay ku sameeyaan baaritaan kuwaasoo loo dhigay dhanka saldhigga Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.

Wax faahfaahin ah oo ah in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka ma aysan sheegin saraakiisha Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, waxayna ka socdaan afarta xaafad oo ay oo ka kooban tahay dhinaca koonfureed ee magaaladaasi.

Goobjoog News