U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Gaadiidleey Cabasho Ka Ah Galmudug

Sheeko:Dalka

Gaadiidleyda ka shaqeysa magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Taagada maamulka Galmudug uu amray in ay qaataan dhammaan gaadiidleyda ka howlgasha degaannada maamulkaasi.

Mar ay gaadiidleydani la hadleen Goobjoog News ayaa waxay sheegeen in Taargada maamulka Galmudug aysan ahayn mid sharci ah iyagoo ku doodaya in aynaan baarlamaanku soo ansixin.

Waxay sheegeen in aysan tabar u haynin qaadashada taargada Galmudug ay amartay in la qaato, taasoo ay cabasho ka keeneen.

Wasaaradda gaadiidka Galmudug ayay ku eedeeyeen inay la soo heshiisay shirkad oo ay barnaamijkani dhaqaale ku doonayaan.

“Waxaan kamid ahay gaadiidleyda ka shaqeysata magaalada Gaalkacyo waxaan ka cabanaynaa taargada Galmudug oo wasaaradda gaadiidka Galmudug ay shirkad la soo heshiisay islamarkaana dadka sharci darro gaadiidkooda looga qaadayo, dadkii waxa uu ku jiraa xaalad barakac, sidaas oo ay tahay baarlamaankii lama soo marsiin, waxaan heysannaa taargadii hore ee Galmudug iyadiina waxay tiri dowladdani cusub waxba kama jiraan middii hore, taargo aan sharciyeeysnayn ayaa wasaaradda gaadiidku ku qasbeysaa dadka islamarkaana lacagta waa qaali” ayay yiraahdeen qaar kamid ah gaadiidleyda oo maanta Gaalkacyo kula hadlay Goobjoog News.

Taargadaan cusub oo dhowaan maamulka uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado ayaa uu ku sheegay in gaadiidka isticmaala dhammaan gobollada Galmudug laga doonayo inay qaataan oo la’aanteed aan la ogallaan doonin.

Goobjoog News