U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Madaxweynaha Galmudug Oo Loogu Baaqay Ka Dhabeynta Dedaallada Nabadeynta Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geella Xaaf inuu ka dhabeeyo dedaallada nabadeed ee uu ka wado magaaladaasi.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradkan ayaa Goobjoog News u sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay in markaan uu madaxweyne Xaaf u istaago sidii uu isugu keeni lahaa shacabka Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Suldaanka iney muhiim tahay oo kaliya in la wada fahmo ulajeedka madaxweyne Xaaf ee ah in la arko Gaalkacyo oo nabad ah.

“Waa dedaal wanaagsan oo madaxweyne Xaaf wada, waan la kulannay, walibana Labada dhinac ayuu la kulmay, waxaana laga wada hadlay sidii Gaalkacyo nabad looga dhigi lahaa, wuxuu madaxweynaha inoo soo jeediyey in la dhameeyo wax walbo oo jira, Labada dhinac wuxuu ka codsaday in nabad lagu soo celiyo Gaalkacyo lagana wada shaqeeyo in laga wada faa’ideysto kheyraadka” ayuu yiri Suldaanka.

Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada dedaallo badan oo ku aadan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Gaalkacyo, loona furi lahaa waddooyinka colaadaha ku xirmay ee magaaladaasi.

Goobjoog News