U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Laga Furay Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Ardayda Dhegoolayaasha Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa markii ugu horreysay laga hirgeliyey xarun ay wax ku bartaan ardayda aan wax maqal (Dhagoole), iyadoo ay ka faa’ideysanayaan dad u badan carruur.

Iskuulkan waxaa in la furo iska kaashaday dhallinyarada Gaalkacyo, gaar ahaan kuwa Galmudug, si waxbarasho tayo leh ay u helaan ardayda aan wax maqal.

Waris C/laahi Shirwac, waa maamulaha iskuulka dhegoollada ee Gaalkacyo, waxana ay tilmaantay in iskuulka hadda ay dhigtaan ilaa 30 arday, ayna ku wadaan howshiisa iskaashi dhallinyaro.

“Iskuulkan waxaan ku wadnaa iskaashi dhallinyaro, Saddex qof ayaan isku kaaashannay, Jeebkeenna ayaan isticmaalnay, Muqdisho ayaan ka keennay macallin dhegool ah, waxaana ku furnay 30 arday, ardaydana waxaan wax ku barnaa lacag la’aan, waxaan isku daynay markaan aragnay baahiyaha badan ee haysa naafada guud ahaan, gaar ahaan kuwa aan wax maqal aan waxbarasho usoo hormarinno” Waris ayaa sidaasi tiri.

Sidoo kale, Waris ayaa tilmaantay in aanay jirin cid gacan ku siisay furista iskuulkan, haddii uu maamul dowlad ahaan lahaa ama hay’ad kale.

C/raxmaan Axmed Kaarshe oo isna kamid ah aas-aasayaasha iskuulkan ayaa sheegay in fikraddan ay mar hore ku soo maaxatay, fulinteedana uu kaga baxay waqti badan iyo qarash.

“Annaga oo Illaahay dartiis ku soconna ayaan bilownay inaan u fekerno in la helo waxbarasho dadka dhegoolaha ah, muddo ka dib waxaan aragnay miradhalkii ugu horreeyey, mustaqbalkeenna wuxuu yahay in dadkaasi aan waxbarno” ayuu yiri Kaarshe.

Xaruntan ay wax ku bartaan ardayda aan wax maqal ayaa waxay tahay mid sare u qaadeysa rejada dad badan oo dhegoolayaal ah, kuna sugan gobolka Mudug, kuwaasi oo ka faa’ideysan doona iftiinka waxbarasho ee u bilowday.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada