U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Lagu Soo Xirayo Koobka Degmooyinka Galmudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo ciyaaraha tartanka koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug.

Waxaa magaaladaasi ku sugan guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed iyo xubno kale oo dowladda ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka wada tirsan Maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe kuwaasi oo doonaya in ay ka qeybgalaan soo xirista koobka ciyaaraha ee degmooyinka Galmudug.

Waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada waxaana waddooyinka lagu daadiyay ciidamo iskugu jira Milatari, boolis iyo nabad sugid iyaga oo saraakiisha ammaanka ay sheegeen in amniga ay xaqiijin doonaan.

Waxaa tartanka ka qeyb galay ilaa lix degmo oo kala ah Gaalkacyo, Balanbale, Dhuusmareeb

Caabudwaaq, Cadaado iyo Hobyo,  waxaana fiinaalka iskugu soo haray degmooyinka kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale.

Bishii hore, 26-keedii ayuu tartanka si rasmi uga furmay garoonka Cabdullahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ciyaartii kowaad lagu daah furay degmooyinka final-ka taagan ee kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaartaasi ay ku dhamaatay barbaro.

Goobjoog News