U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Rasaas Ka Dhacday Suuqa Darxumo

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaray  magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay ka dhacday rasaas dhowr ah.

Rasaasta oo ay isweydaarsadeen ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacday suuqa weyn ee bartamaha magaalada Gaalkacyo ku yaalla.

Sida wararku sheegayaan in suuqa Darxumo oo rasaasta labada dhinac ay isku weydaarsadeen muddo saacado ah ay shaqadiisa hakad gashay.

Wariyaha Goobjoog News ee Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in aan la ogeyn wax khasaare ah oo israsaaseyntani ay geystay, hase yeeshee iminka howlihii suuqa dib ay u furmeen.

Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland oo waayadii dambe ka taagnaa magaalada Gaalkacyo ayaa saameyn adag ku yeeshay howlaha ganacsi ee magaaladaasi.

Maamullada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaana weli ka hadlin rasaasta maanta gudaha Gaalkacyo ku dhexmartay ciidamo kala taabacsan.

Goobjoog News