U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Shir U Socda Masuuliyiinta Galmudug

Sheeko:Dalka

War degdeg ah oo haatan naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in shir albaabada uu u xiran yahay uu ka soconayo magaaladaasi.

Shirka socda ayaa looga hadlayaa xaaladda ka soo cusboonaatay Gaalkacyo waxa uuna ka socdaa dhanka koonfureed ee magaaladaasi.

Shirka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan waxaana sidoo kale xaadir ku ah madasha waxgaradka iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdirashiid Cartan oo qadka telefoonka kula hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay jiritaanka shirkani.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada