U bood dhigaalka

Gaas: Ma Jirto Soomaliya Meel ay Ka Jirto Sadex International Airport

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo Sabtidii dhagax dhigay garoon cusub oo ay yeelan doonto magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney aysan gobollada dalka ka jirin Saddex garoon Caalami ah marka laga reebo Puntland.

Madaxweynaha Puntland  Gaas, wasiirka duulista hawada ee maamulkaasi Xasan xaaji Siciid iyo mas’uuliyiin ka socda shirkadda garoonka dhiseysa garoonka ee CCECC  ayaa goobta si weyn loogu soo dhaweeyay.

CCECC ayaa horay u dhistay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boosaaso, waxaana hadda la filayaa iney muddo 8 bilood ah ku dhamaystirto Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horay u balan qaaday inuu Puntland ka dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha oo uu ka dhisayo 3 Diyaaradood oo caalami ah.

Gaas oo shacabka la hadlaya waxaa uu yiri “CCECC oo ah inay nagu tageeraan sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadkayaga dabiiciga ah, meel fiican ayay maraysaa Puntland waayo majirto Soomaliya meel ay kajirto Saddex International Airport,’’

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada