U bood dhigaalka

Gaas Oo Baaq u Diray Shacabka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iney ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo Horumarka magaaladaasi.

Gaas oo ku sugan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kadib safar uu kaga yimid dalka dibaddiisa ayuu sheegay inuu u mahadcelinayo qof walba oo kaalin ka qaatay nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in xilligani aysan colaad waxbo tareyn oo bulshada ay dani ugu jirto nabadgalyo iyo xasilooni inay ku wada noolaadaan.

“Shacabka ku wada nool Gaalkacyo waa dad walaalo ah, colaad waxbo ma tareyso dhammaan dadku waxay dani ugu jirtaa iney nabad ku wada noolaadaan, colaadda Gaalkacyo cid walbo oo daminteedii ka qeybqaadatay waan soo dhoweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Magaalada Gaalkacyo ayaa haatan waxaa laga dareemayaa xasilooni kadib dagaallo marar badan ku dhexmaray magaaladaasi maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News