U bood dhigaalka

Gaas Oo Baaq u Direy Xildhibaannada Labada Aqal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas oo maanta gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa baaq u direy xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu Gaas xildhibaannada ugu baaqay in dalka ay u xulaan madax wanaagsan oo isbedal ballaaran keenta waa sida uu hadalka u dhigaye.

Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan ay u baahan tahay isbedallo degdeg ah, waxana rajo uu ka muujiyey in xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ay keeni doonaan isbedalladaasi.

“Waan rajeyneynaa in Isbedal Soomaaliyeed yimaado, waxaan rajeynayaa iney doorashada kasoo baxaan isbedal badan oo Soomalida u aayi doonto, baarlamaanka Soomaaliya waan ka rajeynayaa waana ugu baaqayaa iney soo xulaan madax wanaagsan oo Soomaliyeed”

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa cambaareeyey dilal bishii December 2016 magaalada Boosaaso loogu geystay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Goobjoog News