U bood dhigaalka

Gaas Oo Beesha Caalamka Ku Dhaliilay Ka Hortagis La’aanta Abaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahnaa in xilli hore ay ku baraarugto abaarta baahsan ee ka jirta dalka, ayna ka maamul ahaan horey digniino usoo saareen.

Waxa uu sheegay Gaas in bishii January ee sanadkaan ay ka digeen in dalka ay kusoo socoto abaar baahsan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga hortago.

Beesha caalamka ayuu ku dhaliilay Gaas in marka ay wax dhacaan oo kaliya ay ka daba cararaan, xilligaasi oo ay yaraan karto gurmadka wixii uu tari lahaa.

“Muddo ayaan ka digeynay abaartan, waana jeclaan lahaa in loo sheego, illaa bishii February ayaan lahayn abaartan wey muuqataa weyna soo socotaa, ma ahan inaan ku baraarugno markii ay abaarta dhacdo, marka in mar walbo aan ku baraarugno markii ay abaarta dhacdo ma ahane waa in beesha caalamka leeyihiin kahortag iyo qorsheyaal kale, markii la dhadho abaar baa dhacday la sameeyo qiimeyn, illaa New York tago aan laga soo jawaabin, dakuna wey dhimanayaan, marka waxaa wanaagsan inaan leenahay kahortag joogta ah oo markiiba laga jawaabi kari dowlad ahaan, xukuumad ahaan iyo beesha caalamka” ayuu yiri Gaas

Gobollo badan oo dalka kamid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo weli dadku aaney helin gurmad ku filan.

Goobjoog News