U bood dhigaalka

Gaas Oo Imaaraadka Ugu Safray Arrimo La Xiriira Ciidamada Iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo maanta ugu ambo-baxay dalka Imaaraadka Carabta booqasho 4 maalmood ayaa inta aanu dhoofin saxaafadda la wadaagay ujeedka safarkiisa.

Madaxweyne Gaas oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan maanta u ambabaxayaa waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta, oo aan u aadi-doonno howlo la xiriira arrimaha ciidamada, ciidanka badda, oo muddo 10 sano ah ay naga taageereysay dowoladda Imaaraadka ee howlo la xiriira dhameystirkooda difaaca dalka iyo la dagaalanka argigixisada Al-shabaab iyo ISIS iyo arrimo la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee horay dalka uga socday dardargelintooda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada naftooda in howlo badan laga qabto dalka dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, sababaasi weeye sababta aan safarkeyga ugu qaadan-doono 4 maalmood, oo isku arki-doonno madaxda”.

Safarka Gaas waxaa uu ku soo aaday xilli aaney fiicneyn diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana muuqato inuu u tagayo arrimo quseeya maamulkiisa.

Imaaraadka waxaa uu lacag siiyaa ciidamada badda Puntland, waxaa uu sidoo kale maamulkaasi heshiis kula galay dekadda Boosaaso, arrintaas oo aan la shaacin faahfaahinta heshiiska, shirkadda ay la galeen waa tan baarlamaanka federaalka ah isku raacay in dalka laga ceyriyo ee DP World.

Goobjoog News