U bood dhigaalka

Gaas Oo Isku Shaandheeyey Agaasimayaal Wasaaradeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimayaal wasaaradeed.

Wareegto uu soo-saaray madaxweyne Gaas ayaa la isku bedalay Afar Agaasimayaal, waxayan u qoran tahay sidan:

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha

wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
  2. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  3. Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
  4. Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.
  5. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=