U bood dhigaalka

Gabar uu dhalay saaxiibka Putin oo qarax lagu dilay

Sheeko:Dalka

Dowladda Ruushka ayaa dhiggeeda Ukraine ku eedeysay in ay ka dambeysay dilka gabar uu dhalay mid kamid ah saaxiibada ugu dhaw ee Putin.

Moscow ayaa sheegtay in dilka wariye Darya Dugin, oo 29-sano jir ah ay ka dambeeyeen ciidamada Ukraine ee ay dagaalka kula jiraan.

Dilka gabdhaan ayaa ka dhacay afaafka hore magaalada Moscow, waxaana lala eegtay qarax xilli ay kaabiga ku soo haysay gudaha Moscow.

Ukraine ayaa iska fogeysay dhankeeda eedda ay Moscow u soo jeedisay ee ah in ay ka dambeeyeen dilka Daya Dugin, oo uu dhalay mid kamid ah saaxiibada Putin.

Alexander Dugin, ayaa dhalay Darya, waxaana la sheegaa in ninkaan uu yahay mid kamid ah garbaha uu ku duullo madaxweyne Putin.

Hay’adda amniga federaalka ruushka (FSB), ayaa sheegtay in ay jawaab rasmi ah ay ka bixin doonan dilka Darya Dugin.

Goobjoog News