U bood dhigaalka

Galmudug: Doorashada Iyo Maqnaanshiyaha Ahlu-sunna Waxba Iskama Quseeyaan

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudugh Cismaan Maxamed Cali Socdaal oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah isku lahayn maqnaanshiyaha Ahlu-sunna iyo sidoo kale doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in doorashada ay dhici doonto waqtigii loo qabtay, markii madaxweyne la doortanaya ay wadahadal lasii furi doonaan xubnaha Ahlu-sunna.

Mr. Socdaal ayaa sheegay in horeyba ay ula heshiiyeen garab kamid ah Ahlu-sunna, islamarkaana ay wada hadal haatan la geli doonaan garabka kale.

“Ahlu-sunna qeyb kamid ah horey baan ula heshiinnay, waxaan hadda wada hadalka kula jirnaana waa garabkii kale, midda kale doorashada Galmudug iyo maqnaashiyaha Ahlu-sunna waxba iskama quseeyaan, waxaana la dooran doonaa madaxweyne dalka iyo dadka wax u qabta” ayuu yiri Wasiir Socdaal.

Dhowaan waxaa is faham waa ku dhammaaday wada hadal magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Goobjoog News