U bood dhigaalka

Galmudug: Haloo Gurmado Shacabka B/weyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu kusoo fatahay Wabiga.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka xun yihiin xaaladda adag ee haatan ka jirta magaalada B/weyne.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay iney diyaar u yihiin caawinta shacabka B/weyne isaga oo dhanka kale shacabka Galmudug ku booriyey in ay walaalahooda caawiyaan.

Dhanka kale Sheekh Sheekir ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan cid walbo oo shacabka B/weyne caawineysa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News