U bood dhigaalka

Galmudug: Labo Wasiir Oo Maanta Iscasilay

Sheeko:Dalka

Labo wasiir oo ka tirsanaa maamulka Galmudug ayaa maanta Cadaado saxaafadda ugu sheegay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen maamulkaasi Galmudug.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maalgashiga Galmudug Cabdisalaan Ibraahim Faarax iyo wasiiru dowlaha caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay maanta iska casileen xilalkoodii.

Wasiir xigeenkii maalgashiga iyo jaaliyadaha Galmudug Cabdisalaan Ibraahim oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in sababta uu isku casilayo ay tahay cadaalad darro ay sameeyeen hoggaanka maamulka Galmudug.

“Anigoo ah Cabdisalaan Ibraahim Faarax kuna magacownaa wasiir ku xigeenka wasaaradda jaaliyadaha iyo maalgashiga Galmudug waxaan rabaa inaan maanta halkaan ka caddeeyo, kadib markii aan arkay kufsiga ballaaran oo baahsan iyo musuqmaasuqa lagu sameeyay umaddii aynu ka soo jeednay ee degaanka oo la boobay kuraastooda, oo nimankaas maamulka loo igmaday ay ka dambeeyaan sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ergadii waa laga celiyay meesha waxaana u dambeeyay kursigii beeshii aan ka dhashay aniga oo saaka la boobey” ayuu yiri Cabdisalaan Ibraahim.

Dhanka kale, Wasiiru dowlihii caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna sidoo kale ku cabtay oo sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu ka sii shaqeeyo maamulka Galmudug.

“Waxaan ahay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, waan la qabaa wasiir Cabdisalaan intaa uu sheegay waxaan raacinayaa markaan aragnay cadaalad darrada baahsan ee meesha ka jirta, dhaqankeennii soo jireenka ahaa ee lagu xadgudbay, markii aan la tashannay dadka aan ku matalayno xilkani waxaan go’aansannay inaan iska casilno” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Bilihii la soo dhaafay ayaa wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug ay sidaan oo kale saxaafadda ugu sheegeen inay iscasileen, waxaana tani uga duwan tahay in labada wasiir ee maanta iscasilay ay degaannada waqooyi wada matalaan islamarkaana kiis kursi aqalka hoose ah awgiis ay isku casileen sida ay iyaguba sheegeen.

Goobjoog News