U bood dhigaalka

Galmudug: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ugu Baaqay DFS Iney Kala Dhexgasho Madaxda Maamulkan

Sheeko:Dalka

Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa isaga oo hadal ka jeediyey kulan ka dhacay magaalada Cadaado wuxuu ku baaqay in lasoo dhexgalo khilaafka ka dhaxeeya madaxda maamulkaasi.

Carabey ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan cid walbo oo wadahadal isugu keeneysa madaxda Galmudug, si gaar ahna wuxuu u dalbaday dowladda federaalka in kaalin ay ka qaadato arrimahan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa wax laga xumaado ku sheegay in xilligaan ay kala maqan yihiin madaxdii Galmudug, islamarkaana ay kala joogaan Labo magaalo.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qof walbo oo Soomaaliyeed oo arrintaan dhexdhexaadinaya oo diyaar u ah in Galmudug isku soo celiyo, wadahadal diyaar baan u nahay, dowladda waan ku taageersannahay hadalkeedii ahaa iney na dhex dhexaadineyso, Galmudug ma heshiin karto waayo Labo magaalo ayeey madaxdii, wasiiradii iyo xildhibaannadii kala joogaan” ayuu yiri Carabey.

Madaxda Galmudug ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf, iyadoo ay socdaan dedaallo iyo baaqyo ku aadan xallinta khilaafkan.

Goobjoog News