U bood dhigaalka

Galmudug: Maxaabiista Xukun Sugayaasha Ah Oo Maxkamad Lasoo Taagayo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda horgeyn doonaan maxaabiista ku jirta xabsiyada ku yaalla Galmudug.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ay isku dayi doonaan in maxaabiista dambiyada fudu galay cafis loo fidin doono.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay aad ugu dedaali doonaan arrinta nadaafadda, bil walabana la kormeeri doono Hal mar xabsiyada ku yaalla Galmudug.

“Go’aan ayaan ka gaari doonnaa waxaan xabsiyada kusoo aragnay, kuwa dambiyada fudu galayna in cafis loo fidiyo ayaa isku dayeeynaa, waxaan filayaa in nolasha maxaabiista wax laga bedalo” ayuu yiri wasiirka.

Xabsiyada Galmudug waxaa ku jira maxaabiis badan, waxaana qaarkood yihiin kuwo aan weli hortagin maxkamad.

Goobjoog News