U bood dhigaalka

Galmudug Oo Heshiisiineysa Beelo Dirirsan

Sheeko:Dalka

Masuuliyiinta ka tirsan Galmudug ee kormeerka nabadeed ku marayay degaanno xiriiriya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo nabdeyn lahaa degaanno ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Masuuliyiintani oo isugu jira maamulka Gobolka Mudug iyo sidoo kale saraakiil ciidan oo Galmudug ka tirsan ayaa ku baxay degaanno uu ka mid yahay Baxdo Gaabo oo maalmahan ay colaad beeleed ka jirtay.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga gobolka Mudug Cabdi Xuseen oo kamid ah masuuliyiinta kormeerka nabadeed sameeynayay ayaa u sheegay Goobjoog News in degaanno ay colaado ka jiraan ay doonayaan inay soo afjaraan.

Wuxuu sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay heshiisiinta dad walaalo ah oo maalin dhoweyd xurgufi ku dhexmartay degaanka BaxdoGaabo ee gobolka Galgaduud.

“Annaga oo ku soconna masuuliyiin iyo saraakiil boolis waxa weeye waxaan tagnay Baxdo gaabo oo dhowaan ay ka dhaceen shaqaaqo u dhaxeysa dad walaalo ah hadafkeennu waxa uu yahay sidii aan ku soo afjari lahayn colaadahaasi” ayuu yiri guddoomiye xigeenka.

Mararka qaar degaannada Galgaduud iyo Mudug waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ku murma dhul daaqsiin ama ceel biyood oo ah waxyaabaha inta badan dagaalkooda sababta u ah.

Goobjoog News