U bood dhigaalka

Galmudug oo ku Eeedeysey Puntland Lacago Been Abuur ah Oo La Qabtay

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyey Puntland in ay soo daabacatay lacago been abuur ah oo lasoo galiyey suuqyada, kuwaasi oo markii labaad ay qabteen ciidamada Galmudug ee magaalada Gaalkacayo.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa ka hadlayay meel saxaafadda loogu soo bandhigey lacag been abuur ah oo markii labaad ay maanta qabteen ciidamada Gaalkacayo.

Bile Diini Cali waa duqa magaalada Gaalkacayo ee Galmudug, waxana uu lacagtani ka yiri “muddo bil gudaheed ah markii labaad ayaa la qabtay lacag been abuur ah, lacagtaasi waa isku hal nambar, taasi waxay kuu cadeyneysaa in ay tahay wax been ah, oo ah warqad rinji la mariyey, waxaana halkaasi dadka oga caddaanaysa in la rabo in dhaqaalaha la baabi’iyo, in lala diriri, hantidooda la burburiyo, sicir barar in lagu keeno”

Taliyaha booliiska Maxamed Cali Nuur ayaa isna yiri “lacagtan hadda ka horna waqooyiga ayay naga soo gashay, hadana waataas, hal nambar waaye, 339 waaye nambarkeeda, dastuurkana waa lagu xad gudbey” .

Mar uu ka hadlayay cidda uu u maleynayo in lacagtani soo daabacatay ayuu yiri “Lacagtani waxaa samaystey Cabdiwali Gaas oo dastuurka ku xad gudbey, si uu dhaqaalaha dalka u burburiyo”.

Arrintani ayaa imanaysa xili suuqyada Puntland ay gashay lacag cusub oo bangiga Puntland uu soo daabacay oo shilin Soomaali cusub ah.

Goobjoog News