U bood dhigaalka

Galmudug Oo Sheegtay Ineysan Qaadeyn Imtixaanka Mideysan Ee Dugsiyada Sare

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxvarashada ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo aaney ka dhici doonin imtixaanka Mideysan ee dugsiyada sare.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in ay jirto cadaalad darro dhanka wasaaradda waxbarashada dowaldda Federaalka ah, islaamarkaana aanu jirin wax dhaqaale ah oo dowladda usoo dhiibtey Galmudug si Imtixaanka loogu maareeyo.

Wuxuu sheegay in si KMG ah ay u joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay iyagu qaadi doonaan Imtixaan si madax bannaan oo aanay dowladda shaqo ku lahayn.

“Waxaa jira cadaalad darro oo in muddo ah soo jiitameysay, dalka wuxuu ka kooban yahay dowlad goboleedyo, looma cadaalad falo kuwa jira marka loo eego dhaqaalaha dalka soo galo, deeqaha waxbarasho ee ka yimaada beesha caalamka, hadda waxaa lagu jiraa xilliga Imtixaanada dugsiyada sare, illaa hadda ma jiro dhaqaale dowladda ay soo gaarsiisay Galmudug, wasaarada waxbarashada waxbo kama hayno, waxaa cad iney jirto cadaalad darro, waxaan go’aansannay inaan si KMG ah u joojinno wada shaqeyntii iyo xiriirkii aynu la lahayn wasaaradda waxbarashada”  ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Maanta waxaa dalka ka bilaabanaya Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, iyadoo ay jiraan maamul goboleedyo si iskood ah u qaadaya Imtixaanka sida Somaliland iyo Puntland.

Goobjoog News