U bood dhigaalka

Galmudug: Waan La Xisaabtameynaa Hay’adaha Samafalka Ee Ku Sugan Deeganadeena

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan dhammaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Wasiirka Gargaarka iyo xuquuqda Aadanaha Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa sheegay in hay’adaha si gaar ah loola xisaabtamayo ka dib markii xaalad adag ay kusoo arkeen barakacayaasha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo xaalad adag ku nool.

Waxa uu sheegay Wasiirka in uu u tagay dad badan oo guryahooda biyo badan galeen, sidoo kalena ay kusoo fataheen dadkaasi bulaacadihii magaalada.

“Calool xumo ayaan kala kulmay kormeer aan kusoo sameynay barakacayaasha Gaalkacyo ku nool, waxaan arkay dad badan oo dhex jiifa biyo aad u badan, sidoo kalena ay intaasi usii dheer tahay Bulaacadihii oo kusoo fatahay, sidoo kale dadka cudurro ayaa halkaasi ku haysta, hay’adaha samafalka waxaan leeyahay shaqo badan ayaad qabateen, laakiinse waa la’idiin la xisaabtamayaa, ma socon doonto inaad tabeello meel ku dhejisaan misane aad dadka ku sawirataan’ ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale Wasiir Shire ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka ah in degdeg ay wax uga qabtaan xaaladda adag ee ay ku nool yihiin barakacayaasha magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada