U bood dhigaalka

Galmudug: Wasiir Rajo Ka Muujiyay Miro Dhalka Wada Hadallada Ahlu-sunna Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu miro dhala wada hadallada maamulkooda la leeyahay Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay soo dhoweynayaan wada hadalladaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay in reer Galmudug ay gacmaha is qabsadaan.

“Wax nabad ka fiican lama arko, waa arrin wanaagsan iney heshiiyaan dadka wada deggan Galmudug oo maamulkooda ay dhinacooda kasoo raacaan, annagane ka wasaarad ahaan door wanaagsan baan ku leenahay” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale wasiir Cismaan oo aan wax ka weydiinnay haddii uu yimaado dib u dhac ku aadan waqtigii lagu ballamay ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay ilaalin doonaan oo kaliya maalmaha la ballaamay, wixii ka dambeeyana ay howshooda horey u qabsanayaan.

“Waa muuqataa in dib u dhac la dareemi karo, lama quusan weli, laakiinse Saddexdaan maalin haddii ay wax ku qabsoomi waayaan wey caddahay in dib u dhac yimid, annaga uma joojineyno dib u dhacaasi iney doorashada dhacdo waqtigii lagu ballamay ee 30-ka bishan ah” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Cismaan.

Heshiis ay magaalada Cadaado ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa la isku raacay in doorashada madaxweyne ee maamulkaasi la qabto 30-ka bishan inta ka horreysana la wada hadalsiiyo Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada