U bood dhigaalka

Galmudug: Wasiiro Booqanaya Dhulalka Baadiyaha Ee Ka Fog Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka dastuurka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad iyo xubno ka tirsan maamulkaasi ayaa maanta lagu wadaa iey booqdaan dhulalka baadiyaha ee Gaalkacyo ka baxsan si xal loogu helo dilalka dadka xoolo dhaqatada ah.

Dilalka aanooyinka qabiil oo muddo aan yarayn ka taagnaa gobolka Mudug ayuu sheegay wasiirka in hadda Galmudug iyo Puntland ay u raadinayaan xal isfaham ah.

Waxa uu sheegay in la sameeyay dhowaan ciidamo isku dhaf ah oo labada dhinac ah kuwaasoo ka qeyb qaadanaya xaqiijinta ammaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in berri madaxweyne ku xigeennada Galmudug iyo Puntland ay u wada safri doonaan degaanno dhowr ah oo duleedka Gaalkacyo ku yaalla.

“Waxaan tagi doonnaa dhulalka baadiyaha ah ee ka fog Gaalkacyo, si aan usoo aragno xaaladaha ka jira maadaama dadku u baahan yihiin wacyigelin iyo in loo sheego in nabadda ay wanaagsan tahay” ayuu yiri wasiirka.

Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday magaalada Gaalkacyo sidii loo so oaf jari laha colaadda dhexmartay shacabka Labada dhinac.

Goobjoog News