U bood dhigaalka

Galmudug “Xabad Joojintii Waa Ay Fashilantay”

Sheeko:Dalka

Iyadoo weli magaalada Gaalkacyo ay ka taagan tahay xaalad aan fiicneyn oo dhanka ammaanka ah ayaa waxaa ka hadlay maamulka gobolka Mudug ee Galmudug.

Guddoomiye xigeenka gobolka Mudug ee dhanka ammaanka Cabdi Sheekh Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafyo cusub oo labada dhinac ka yimid.

“Xaaladda magaalada Gaalkacyo waa deggan tahay wax dhib ah oo ka jiro malahan waxaa socda dadkii guddiga ahaa oo weli aan isleennahay sidii la rabay ma aynaan gaarin, rasaas dhacaysa way jirtaa laakiin illaa hadda cid wax ku noqotay ma jirto, xaaladdu waa roon tahay” ayuu yiri Cabdi Sheekh Xuseen.

Madaxa ammaanka Cabdi Sheekh Xuseen ayaa sheegay in qodobadii lagu heshiiyay sababta ay u dhaqan geli waayeen sida xabad joojinta ay tahay in ciidankii lagu ballamay in la kala raro in dhankii Puntland aynaan ka hirgelin.

Wuxuu sheegay in ciidankii Puntland ay weli joogaan halkii lagu dagaallamay, islamarkaana Ra’iisul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid uu masuuliyaddaasi qaadanayo iyo masuuliyiintii kale ee dowladda ka socotay.

Maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay inay jabiyeen heshiiskii Gaalkacyo ka dhacay dhowaan kaasoo lagu xallinayay dagaalladii ka jirey dhanka galbeed ee magaaladaasi.

Shaqada guddiyada nabadda ee labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayuu tilmaamay in ay socoto hase yeeshee sidii la rabay aynaan u socon.

Ugu dambeyntii, weli waxaa xiran isu socodkii dadka iyo gaadiidka ganacsiga ee labada qeyb ee magaalada Gaalkacyo oo aynaan jirin wax isu gudbaya, inkastoo adeegga ganacsiga uu caadi u socdo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada