U bood dhigaalka

Galmudug: Xiriir Ayaa Ka Dhaxeeya Al-shabaab Iyo Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Maxamuud Maxamed oo ah taliyaha howlgelinta ciidamada Galmudug ee gobolka Mudug ayaa sheegay inuu jiro xiriir wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeya Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Xarardheere iyo Kooxaha burcad badeedda.

Taliyaha ayaa sheegay in saameyn badan uu ku yeelan doono dadka shacabka ah xiriirkan ka dhaxeeya Labadaasi dhinac, waxaana uu sheegay in ciidamada ay ka hortagi doonaan arrintaasi.

Kooxaha burcad badeedda iyo Xarakada Al-shabaab ayuu tilmaamay taliyuhu inay la dagaallami doonaan si deegaannadooda ay amni uga dhigaan.

“Al-shabaab iyo burcad badeedda waa Labo isku hadaf ah, isku si ayaan ula dagaallameynaa, hadane waad ogeyd xilli aan dheerayn howlgallo dhowr ah oo qaarkoodna laga sameeyay deegaanno ka mid ah gobolka Mudug, qeybna laga sameeyay gobolka Galgaduud Labadooduba looga fara maroojiyey ajaaniib ay qafaasheen, qeybaha dhimanna waan rajeyneynaa xilli aan dheereyn inay iyagu is soo dhiibaan walibana ay inoo soo gacan geliyaan dadka ay haystaan” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin qof bini’aadam ah oo ku afduuban deegaannadooda, shaqadoodana ay ka mid tahay in dadkaasi ay dib ugu soo celiyaan xurriyadooda.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa ku sugan Xarakada Al-shabaab, dhinaca kalene waxaa deegaannadaasi kooxaha burcad badeedda ah ay ku haystaan dad ajaaniib ah oo lacag madax furasho ah ku doonayaan.

Goobjoog News