U bood dhigaalka

Ganacsiyada Laascaanood oo Saaka Xiran iyo Shacabka oo Cabasho Ka Muujiyey

Sheeko:Dalka

Wararka aan  ka heleyno degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka gabi ahaan ay xiran ganacsiyada waaweyn ee suuqyada magaalada, waxaana xigtay in mudaharaadyo ay ka dhacaan magaalada.

Qalalaasaha suuqa ka taagan ayaa waxaa ay ka dhasheen kadib markii ganacsatada magaalada ay diideen in ay dadka wax kaga iibiyaan shilinka Soomaaliga ah, diidmada Shilinka  ayaana ka taagan gobolo badan oo dalka ah.

Ganacsada yaryar ayaa cabasho ka muujiyey go’aanka ay ganacsada ay ku diideen qaadashada shlinka Soomaaliga ah , iyagoo kadib magaalada ka bilaabay bannaanbaxyo ay kaga cabanayaan arrintaas sida ay sheegayaan wararka.

Diidmada Shilinka Soomaaliga ah ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo hoos u dhac baahsan uu ka jiro shilinka mana jiro wax bedalay Shilinka, walow gobolada qaar lagu daabaco Shilinka taas oo dhalisay sicir barar baahsan oo ku yimid.

Goobjoog News