U bood dhigaalka

Garsoorayaasha Kubbadda Cagta Oo Tababar Uga Furmay Magaalada muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga furay garsoorka kubbadda cagta, waxaana furitaanka kasoo qayb galay Guddoomiye 1aad Xiriirka Cali Cabdi Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka DR.Yuusuf Muxudiin Axmed.

Tabarkan oo lagu baranayo isbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida tabooyinka garsoorka iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka , waxaa bixinay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Yabarow Wiish, Guddoomiye ku xigeen Aweys Cabdullahi Sheekh, madaxa fayaqabka garsoorka ( Fitness Instructor) Cabdi Cabdulle Baasaale iyoMacallin Maxamed Cabdulle Faraye.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka oo isla markaana kamid ahaa macallimiinta tababarka wax ka bixinaya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay ugu talo galeen in ay sare u qaadaan heerka aqoonta garsoorka iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga qaaradda , horumarka garsoorkana uu muhiim u yahay horumarka naadiyada iyo cayaartoyda kubadda cagta.

Guddoomiye Wiish ayaa sheegay in tabaarkan ay ka qayb galayaan 25 garsoore oo ay kamid yihiin garsoorayaal da’yaroo oo sanadkan fursad u siiyeen in ay horyaalka wax ka maamulaan, ayna ka go’an tahay in ay sare u qaadaaan aqoonta dhammaan garsoorka heerarkiisa kale duwan.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadada Cagta DR.Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa guddiga garsoorka iyo dhamaan garsoorayaasha kubbadda cagta ku amaanay dadaalka xoogganku ay ku jiraan, waxuuna ballan qaaday in xiriirka ay dabooli doonaan baahiyaha ay qabaan garsoorka si ay u tiigsadaan himilooyinkooda una horumariyaan kubbadda cagta dalka.

Xoghayaha ayaa intaa raaciyay in ay qoyshaynayaa in sanadkiibala qabto ugu yaraan afar koorso oo tababar dhanka garsoorka, guddoonka garsoorkana ay ka wadhadleen, koorsooyinka nuucaana ay wax wayn ka tarayaan dib u dhiska iyo horomarka xirfada garsoorayaasha Soomaaliya iyo in la is xasuusiyo casharadii lasoo bartay si loo gaaro kana caawinaysa inuu xal u helo qaladaadki dhacay.

Ku simaha guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiino) oo tababarka daah furay ayaa sheegay in howl culus ay hayaan garsoorka kubadda cagta , balse xiriirka ay ka doonayaan in ay labba jibbaaraan waxqabadkooda.

Cali Shiine ayaa intaa ku daray in wareegga hore ee horyaalka ay garsoorka qabteen howlo mudan in lagu amaano xiriirka ay markasta garab istaag iyo horumarin joogto ah dal iyo dibad diyaar ula yihiin.

Tababarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uusoo idlaaday wareegga hore ee horyaalka, waxayna mudada shanta maalin ee uu socon doonogarsoorka ku baran doona casharo isugu jiray dhanka fayoqabka iyo isbadalada dhanka sharciyada iyo sidii ay ku joogtayn lahaayeen sharciyadii ay horay u barteen

W/D-Xuseen Maxamed Hadaafow