U bood dhigaalka

Gedo: Waxgarad Eedeeyay Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay caado ka dhigatay duqeynta dadka shacabka ah.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo kusugan Baardheere ayaa Goobjoog u sheegay in Kenya ay marar badan dad shacab ah leysay.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay ka gaabisay la hadalka dowladda Kenya islamarkaana ugu baaqayaan in arrintaasi aynaan ku fiirsanin.

“Dowladda Kenya waxay caadeysteen iney duqeeyaan meelaha ay shacabka ku sugan yihiin, shalay oo ay ugu dambeysay rayid badan ayeey waxyeello soo gaarsiiyeen, dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada Kenyaanka ay ka hadlaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhaawacyada 7 qof oo shacab ah, kuna soo waxyeelloobay duqeyn ay diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanka Tarako ee gobolka Gedo ayaa shalay la geeyey isbitaalka degmada Baardheere.

Goobjoog News